Yaan Nahay

Dualeh.org waa goob furan (on line) oo ad markasta ka heli karto dhacdooyinka dunida oo tifaftiran lagana soo xigtay ila warbaahinta dunida kuwa ugu xog ogaalsan balse aan isla markaa mar walba ay la socoto faallo an dhacdooyinkaa iyo wararka laga baahiyay ku eegayo kagana faalloonayo aragti soomaalinimo. Waxaad kaloo goobtan ka heli doontaa aqbaaraha Soomaaliya caam ahaan, iyo weliba arrimaha Jubbaland iyo Galguduud gaar ahaan, aqbarahaas oo an ku soo bandhigidoono afaf kala duwan.

Aqbaarahaas dhacdooyinka dunida iyo warbaahinteeda hadba inta ugu doorroon si goonni ahna u’ qusayasa Soomaalia iyo soomaalida laga soo xulay waxaa dheer oo ad dualeh.org ka hely warbixinno qaas ah oo ku saabsan dhismaha dawlad goboleed Jubbaland & Galguduud (The Federal state of Jubbaland & Galguduud of Somalia) kuwaas oo isugu jira Maqal & Muuqaalba.

Waxaad kaloo goobtan ka heli kartaa fursad ad aragtidaada ku dhiibato oo aad uga qaybqaadato bulshada soomaaliyeedna ugu soo gudbiso aragtidaada iyo fekerkaaga wanaagsan oo aad bulshada ugu baaqayso waddada wanaagsan ee nabad, horumar iyo wada noolaasho walaaltinimo soomaaliyeed lagu gaari karo.