Dagaal Ba’an oo Dhexmaray Ciidan Geel Ka Kooban Iyo Ciidamada AMISOM

2. september 2009 af admin

Ciidamada AMISOM oo dagaal sawaariikh iyo madaafiicda culus laysu adeegsaday ayaa markii saacado si ba’an laysu garaacayay ciidankii geela ahaa oo duulaan kusoo ahaa magaalada Muqdisho goobtii dagaal, si fir-fircoon ugaga adkaaday, halkaas oo ciidankii geela ahaa lagu jebiyay!!!

Bal qoraalkan oo Soomalitalk arrintaa ka qortay iyo sawirradii ka faafisay sii aqri, ra’yigaagana ka dhiibo.

Sawirada Geela la laayey Halkan ka Daawo…. (GUJI)

Ciidamada “Nabad Ilaalinta” Midowga Africa ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, ayaa xalay si arxan darro ah u laayey Geel fara badan oo loo soo wadey Magaalada Muqdisho oo markii la xasuuqayey marayey illinka hore ee laga galo Garoonka Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in aan wax khasaaraha ah halkaasi kasoo gaarin dadkii watay xoolahaasi la xasuuqay oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaali ah oo dooneyay in ay ku iibiyaan suuqyada Magaalada Muqdisho
Rasaasta Ciidamada AMISOM oo in cabaar ah socday, ayaa dilay ilaa 13 Neef oo Geel halka qaar kalana ay iyagoo rasaas ku taallo ay jiireen ama dardaray derbiyada guryaha ku yaala nawaaxiga Garoon-ka Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in Xoogaga AMISOM ee falkaasi fuliyey ay yihiin kuwo cusub oo dhawaan lagu badeley kuwii horey u joogay Caasimadda Somalia ee Muqdisho ee haatan dib loogu celiyey dalkooda.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolahaasi laga laayey lahaa ayaa ka dib xiriir ay la sameeyeen xoogaga AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Dowladda KMG waxa ay doonayaan in loo cadeeyo ujeedada xasuuqan xoolaha ee bareerka ah.sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Amisom ayaa ka hadlin falkaa foosha xun ee ay ku kaceen ciidamadooda sidoo kale dadka soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamey mid aan loo dul qaadan Karin waxayna soo jeediyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bixiyo Magtii Xoolahaas waxaa kaloo aan ka hadlin Mas’uuliyiinta Dowlada.
Ciidanka AMISOM, ayaa maalmihii ugu dambeeyey la soo baxay hab dhaqan cusub oo ay inay rasaas ujeedo la’aan ah ku ridaan wadooyinka soo gala fariisimahooda, si ay uga feejignaadaan weerar kaga yimaada xoogaga mucaaradka ee dagaalada adag kula jira.
Sannadkii 1993 ayaa ciidamadii UNISOM ee “nabad ilaalinta” u yimid soomaaliyeed waxay iyana waqti Habeen ah laayeen tiro Geel ah, waxayna ku andacoodeen Geelaas uu rasaas u wadey Ciidamadii Marxuum Generaal Caydiid sidoo kale waxay laayeen tiro Dameero ah oo Hilib u soo sidey Magaalada Muqdisho.

Go back