Bacdii Dhowrtadu waa Maratay

2. maj 2010 af A. Dualeh

Dawladaha iyo bulshada duniduba waa ka daaleen, kooxaha soomaaliyeed ee caadaystay inay dunida baryo aan dhammaan, bac madow oo ay ku dhawrtaysanayaan kula wareegaan

 In muddo ah markii Shiikh Shariif iyo kooxdiisu dunida, iyaga oo iibsanaya wixii magac iyo sharaf u’ haray Soomaaliya, bac madow ku dhowrtaysanayay, ayaa imminka dawladaha dunidu ka daaleen oo bacdii dhowrtada dhibicna loo waa!.

 

Kooxdanise, sidii kuwii ka horreeyay, ceebu ma karto kana daali maayaan, bulshada iyo qarannimadii soomaaliyeed ee ay bur-burinteeda qayb ka ahaayeenna dan kama laha.

 

Muqdisho waxaa hadaba kasoo yeeraya maalmahan dambe, in Shiikh Shariif iyo kooxdiisu imminka farsamo kale oo qiyaano iyo xattooyo hanti qaran ay ku maleegayaan magalada Muqdisho.

 

Farsamada ay imminka diyaarsadeeni waxay tahay baa la soo sheegayaa, inay dunida oo dhan ka codsadaan wax allaale wixi hanti qaran dunida ku haray oo aan horay loo biliqaysan, in iyaga imminka lagu soo wareejiyo, si ay iyagu wixii haray u’ bililiqaystaan, inta aanay Muqdisho uga cararin ”Mooryaan Garreyda” ay kula tartamayaan ciribtirka qarannimada soomaaliyeed,!

 

Sharafxumooooy magacaa ba’!!!

 

Inkasta oo bulshada soomaaliyeed aanay horay dawladaha dunida iyo Qaramada midoobay toona uga baranin daryeel ama difaaca Qaranimada iyo hantida soomaaliyeed, hadana waxaan rajaynayaa, inaan, kooxahan bililiqada hantida qaran ku loollamaya, loo fududayn boobka hantida qaran.

 

Dr. A.F. Dualeh

Go back